DAGAALADDI SOKEEYEY DHIBAATADII KA DHALATAY
Daahir wuxuu ka shaqeynaayey
wasaaradda ganacsiga asi iyo xaaskiisa Faaduma.
1988dii waxey isku raacen Daahir
saaxiibkiisa o dagan tuulo udhaw Qoryoole.
Daahir waxa ay is barteen nin la
yirahda Cali Xassan oo beer fale ah.
Daahir iyo Cali wa ay sheekeysteen.
Maalin ka dib ayaa Daahir wuxuu
dhahay,Caliyoow gabadhaada curadda ah isii, anaa korinaaya, waxne baraayo, biil
yarne waku so diraya bishii.
Kadib gabadhii ayuu sidaas kusoo
watay Daahir.
1991dii, waxaa dhacay dagaal sokeeya.Raxmo
oo la nooleyd qoyskii Daahir waxay u qaxeyn xerada qaxootiga Kaakuma ee dalka
kenya, halkaas o ay ugu sii gudbeen mareykanka.
Raxmo wax barashadii halkaas aye ku
dhameysatay. Waxey shaqo ka heshay warshadda digaagga lagu qalo.
Dhowrjeer ayee is weydiisay Raxmo
xagge waalidkaagu ku danbeyaan iyo walaalahaaga?
Aabaheyd Cali xassan wuxu tuugsadaa
suqyada magaalada muqdisha, reerkii kalle neh waxey ku duruufeysanyihiin
Qoryooley.
Raxmo waxey go'aan ku gaartay iney
baadigoobta ciddeda oo ay raadiso, waxey ka baafisay idaacadda BBC-da.
Cali waa masaakin, oo idaacad ma
dhageysto, waxaa idaacadda dhageystay maalintaas baafinta Cali cismaan o ay
deris ku ahaayen Qoryooley,Cali Cismaan wuxuu ogaay iney gabar ka maqantahay
Cali Xassan.
Cali Cismaan wuxuu qortay number_kii
Raxmo, wuxuu go'aansaday inu iska dhigo Cali Xassan.
Cali Cismaan wuu so baxay, wuxuu soo
aaday muqdisha, wuxuu baranji ka wacay Raxmo.
Salaan kadib Cali Cismaan wuu
baroortay markii gabadha u la hadlaayey si ay Raxmo u shakin in aabaheyd uusan
aheyn, wuxuune u sheegay in hooyadee iyo walaalaheyd u dhinteen abaartii
dhacday markaas, wuxuuna u sheegay magacyada hooyadeed iyo walaalaheyd.
Isaguna wuxuu u sheegay inu muqdisha
ka tuugsado.
Raxmo ooyin ayee la dhacday.
Waxa ay isla maalinkii uso dirtay
$300, bishii neh waxey uso diri jirtay $400.
Kadib ninkii Cali Cismaan wuxuu ku
laabtay Qoryooley, wuxuu tukaan weyn ka furtay Qoryooley, gaarine wuu
sameystay.
Dadkii ayaa isweydiinaya Cali
Cismaan halka ay lacagta kaso gasho, oo sidaan hodan ugu noqday.
7sano ayee sidaas ku biileysay
Raxmo.
Raxmo aya wiil isku fahmeen guur,
waxayna lasoo xariirtay Cali cismaan oo isk dhigaayey aabaheyd, wuuna ku
mehriyey wiilkii.
Shariifoow oo ahaa nin dagan
Qoryooley aya maalin xawaaladdda so galay Cali cismaan oo lacagta ka
qaadanayey, wuxuuna arkay qofka lacagta uso dirtay in ay tahay Raxmo Cali
Xassan,
wuxuuna ogaay iney ka maqantahay
gabar Cali Xassan.
Wuxuuna ushegay warkii Cali Xassan.
Cali Xassan wuxuu so aaday
xawaaladii, wuxuuna weydiyey xawaladda gabadha magacaas leh ayaan rabaa ii
raadiya.
waxaa la weydiiyey gabadha magaceyd
iyo rerka ka watay wu shegay Cali Xassan.
Nasiib wanaag, xawaaladdi ayaa
wacday daahir oo aha ninka gabadha ka watay Cali.
Daahir wuxuu weydiiyey astaamo lagu
fahmi karo gabadha inu aabaheyd yahay, wuxuu weydiyey mesha gabadha u ku siiyey
iyo maalinkaas wuxuu watay, wuu ka jawaabay Cali Xassan.
Daahir ayaa dhahay hala iso diro
sawirka Cali Xassan saan u hubiyo inu yahay aabaha Raxmo.
waloo diray sawirkii, Daahir wuxuu
dhahay asi waaye aabaha Raxmo.
Daahir wuxuu wacay ninkii aabaha
beenta ah iska dhigaayey Cali Cismaan su'aalihii la weydiinayey ayuu weydiiyey
Cali Cismaan wu ka jawaabi waayey.
Daahir oo dhahay sideen ugu sheega
Raxmo, Cali Cismaan inu aabaheyd aheyn, ninka mahriyey inu aabaheyd aheyn, sido
kalle ninka ey biileysay aabaheyd aheyn, ninka sanadkii mar ay lacag xus ah u
direysay inu aabaheyd aheyn dhib ayu ka maray inu usheego Raxmo.
Wax kasta o ay tahay waa inaa
ushegaa Raxmo.
Raxmo ayuu la fadhiistay, wuxuu
ushegay arimaha qarsoon eysan ogeyn, in u aabaheyd aheyn Cali Cismaan u yahay
aabaha dhalay Cali cismaan, gabadhii halkii aye ku shooktay, saddex maalin ayee
miir daboolneyd.
Kadib waxaa lagu qanciyey gabadha
iney aabaheyd dhabta la hadasho.
Markii ay codkiisa maqashay ayay
ooysay.
Aabihiine wuxuu u sheegay inu yahay
maskiin ka tuksada magaalada, sido kale wuxuu ushegay in ay nabad qabaan
hooyadeyd iyo walaalaheyd oo uu Cali Cismaan u sheegay in ay wada dhinteen, mar
kale aye oysay gabadhii.
Kadib lacag aye usoo dirtay, Aabihii
wuu baxay qoyskii ayuu kaso raray Qoryooley.
Waxey uso guureyn xaafada ka mid ah
xaafadaha muqdisha ayee dageyn.
Bil walba aye lacag uso diri jirtay
lee leyn aye so gishteyn halkaas aye ku wada xariiri jireyn.
Waa markii ugu horeysay biil loso
diro, nolol farxad badan aye galeyn qoyskii.
Waxey kasoo toosi jireyn guri fillo
ah noloshoodane aad ayee isku badashay.
Ilmahane waxa la geeyay iskuulka
Imaamushaafici.
Cali Xassan aya la dhahay, maxaa ku
sameynee Cali Cismaan, wuxuu dhahay wan cafiyey mar haddi aan helay gabadheyda.
2012kii aya muqdisha ku geeriyooday
Cali Xassan.
Comments
Post a Comment