Mashruucii Aniga iyo Sebastian Georg: Sheeko Xiiso Badan (Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”)
Waxaa jirta talo aad rogrogto dabadeed ku dhaqaaqdo. Waxaa kale oo jirta mid kediso ah oo aad mooddo in sheydaan ama malag kugu afduubay.
Imika kolka aan dib wax u eego waan la yaabaa.
Sidan soo socota ayay ahayd qisadu.
Goor galab ah oo aan shaqada ka imid ayay ahayd.
Xilliga qaboobaha Yurub ugu daran ayay ahayd.
Barafkii beri dhowaa saafiga ahaa ee aadka u caddaa ee
fududaa imika maalin waa dhagax ku xagan.
In kasta oo ay tahay afartii galabnimo hadda na durba waa
habeen.
Dhawr tallaabo ayaan u sii jiray
irridka aqalkayga qacdii aan arkay isaga oo ku fadhiya kuraasta guud ee debedda
lagu nasto.
Baraf silcay oo kuraasta sarraa inta uu iska xaadhay oo
meel isaga ku filan bannaystay ayuu wargays dhigtay oo ku fadhiyaa.
Waa nin caddaan ah oo aan in muddo ahba xaafadda ku
arkayay.
Quraarad baa gacanta ugu jirta. Si aanu ii la qabsan aniga
oo jaaha ka dadbaya ayaan guriga isku maqiiqay.
Sebastian Georg waa konton jir, waana sakhraanka xaafadda
iyo tuug xadhkagoys ah.
Inta uu xabsiga ku jiro iyo inta uu debedda joogaa waa ay
isla’eg yihiin.
Dadka isaga oo aan aqoon ayuu la qabsadaa oo barasho ka
samaystaa.
Taasi waa wax lagu ammaano kolka la eego heerka nololeed ee
uu ku jiro.
Ha iska silicsanaadee waa nin han u dhashay wax uu na isku
dayaa in uu xarragoodo oo madaxa kor u qaado, jidhkliisa iyo hugiisabana
dadaalkaasi wuu ka muuqdaa.
Imika waxa uu ku nool yahay qol yar oo ii dhow halkaas oo
dhowaan isaga oo xabsi ka soo baxay maamulka daryeelka bulshadu dejiyay.
Labadayadu waxa aannu isbarannay maalin uu waddada xaafadda
igaga hor yimid isaga oo quraarad gacanta ku sita ina weydiiyay in aan ahay
xabashi.
”Maya ee wax aan ahay soomaali”, ayaan u sheegay.
”Waad isu eg tihiin derisna waad tihiin”, ayuu malihiisa
beenoobay ugu garaabay.
”Dhulkiinna weligay ma aan tegin oo waaban ka baqaa,
Itoobbiya oo aan beri tagay ayaan se jecel ahay”, ayuu ii sheegay.
”Tuulo beeraley ah ayaan sagaal bilood ku noolaa”, ayuu sii
yidhi.
Intii aanan weydiin waxa uu halkaa ka
qabanayay ayuu ii raaciyay in uu ka qaxay noloshiisa Yurub. Xaaladdayda
caafimaad nafsad ahaan aad ayay u liidatay, wax aanan taagnaa meel nolol iyo
dhimasho u dhaxaysa,dhawr jeer ayaanan isku dayay in aan isdilo.
Se taladii aan Afrika ku tegay waa ay i caawisay.
Waxa aan soo arkay dad aan haysan bal wax kale iska daaye
biyo ay cabbaan iyo wax ay cunaan.
Afar iyo labaatan jir baan ahaa, waxa ayna ii ahayd cashar
aan wax badan ku qaatay.
Kaftankiisa joogtada ahi waa in uu igu yidhaahdo: ”Waxa aan
qorshaynayaa in aan dhul Afrika ka mid ah boqor ka noqdo, tuulo yarna alla ha
ka dhigee.”
Dabadeed inta uu qarshadda dhinac u
qalloociyo oo sidii naag uu jecel yahay aad u daawado, oo hadba dhaban ka eego,
oo haddana aniga i fiiriyo, ayuu qosolgariiraa.
Markaa indhihiisa ilmo ayaa isku soo taagta.
Waan garan karaa oo waxa sidaas u xanuunjinayaa ma aha
jacayl uu quraaradda u qabo ee waa ayaandarro uu ku qabo.
Waxa uu u muuqdaa nin lahaa han sare. Maalintii aannu
Hargeysa socdaalka ugu sii jirnay ayuu iiga sheekayn doonaa taariikh
nololeeddiisa.
Waxa uu ii sheegay in aanu weligii aabbihii arag dadkana ka
aqoon, hooyadiina isaga oo barbaar ah ay qudha iska jartay.
Halkaas ayay ka soo raacday balwaddan dilootay.
Aniga iyo Sebastian Georg sidaas ayaannu isku naqaannay
wixii ka horreeyay galabtaas qabow ee aan soo dhaafay isaga oo halkaa fadhiya.
Dharkii shaqada inta aan iska beddelay oo raashin baarixi
ah oo ii yaallay boobay, ayaan u cararay meel daran oo jaalliyad ku sheeg ah oo
aannu qabyaaladda kaga muranno marna isku cayno mar kalena iswiidhishka ku
xamanno.
Intii aan sii soday waxaa igu dhalatay fikrad cajiib
ah.
Xaqiiqooyin badan baan isu ururiyay oo qaabeeyay.
Shaqadan addoonsiga ah iyo dhaxanta iyo midabtakoorka Yurub
sidii aan uga xoroobi lahaa ayaa goor walba igu taagnayd.
Aniga oo sidaas
isu la hadlaya oo ay meel wacan ii marayso ayaan halkii aan u socday soo
gaadhay. Caweyskaa sheekadu ii ma ay baxayn waayo fikraddii igu dhalatay ayaa i
gubaysay, sidaas darteed goor hore ayaan iska hoyday.
Qisooyin ku saabsan waxa loo yaqaanno
”mashruuc – project” oo aan aad ugu qoslay aadcna u la
yaabay ayaa la iiga sheekeeyay.
Lacago reer yurubka inta damiirkoodu nool yahay lagaga
qaadhaanto in dad dhintay lagu soo noolaynayo iyo in dhagxaan cunto loo rogayo
ayaa la la wareegaa.
Maatada Afrika ayaa lagu
indho-sarcaadiyaa erayo qaaqaawan oo ay ka mid yihiin horumarin, hay’ado, samafal,
borojekti, dabadeed loo arooriyaa dhalanteed aanay weligood ka cabbi doonin iyo
dhedo aanay ka dhaansan doonin.
Maya, ma doonayo in aan galabta waxaas maskaxdayda ku
shuqliyo. Waaban miyirla’a ahay oo fikradda igu dhalatay baa i daandaamisay.
Aniga miyaa la i doortay? Miyaan
ahay madaxweyne, wasiir, xildhibaan
iyo guurti midna? Dhawrista hantida umadda aniga miyaa la ii xilsaaray?
Hawlahaas oo dhan sow ma jiraan dad shaqo looga dhigay oo mushahar ku
qaataa?
Haddii se Afrika oo dhan mashruuc
laga dhigtay aniguna borojekti yar oo aan ku qayilo in aan hindisaa sow i la ma
gudboona? Kolkii aan sidaas u fekerayay waan xanaaqsanaa. Ma se tolow waan
dhiidhisanaa? Kollay ciil baa igu cabbaysnaa.
Haa, waan cabbaysnaa.
Habeenkaas oo
dhan qalin iyo warqad baan isku xoqayay ilaa waagu igu dillaacay. Waxa aad i
moodaysay Albert Einstein oo dhirindhirinaya saldhig cilmiyeedka Theory of
relativity. Xamaasad baa cirkaa i la gashay. Lacag doollar miidhan ah baa i hor
yaacyaacday. Danahaygii oo dhan oo fulay baa la i tusay. Go’aan aan ka noqosho
lahayn baan qaatay. Dabadeed aniga oo leh “Ilaahow aan waaga waraabe cunin”
ayaan sariirta ku gataatidhacay.
Dharaartii xigtay shantii galabnimo
kolkii aan hawsha ka imid qolkii Sebastian Georg oo laba irridood noo dhaxayso
ayaan garaacay. Xalay oo dhan buu waabeeyo cabbayay oo dirqi buu albaabka igaga
furay, dirqi buuna indhaha ku ka la qaaday, dirqi buu na igu arkay.
Qolka uu furay waxaa ka soo butaacday ur culus oo kulul oo
aad mooddo in toban
sano wax baas lagu khamiirinayay. Cabbaar markii uu indhaha marmaray ee hagaag
ii gartay maxaa kuu daran iyo soo dhaaf midna intii aanu haleelin ayaan ku
idhi: ”Shaqo ayaan kuu hayaaye maqaaxida iigu kaalay, bunkuna waa aniga.”
Inta uu indho cascas oo daallan igu
eegay oo haddana hoos u hogtay oo yara fekeray oo haddana indhihii maydka ahaa
igu dhugtay ayuu oggolaansho madaxau ruxay qolkiina dib ugu noqday. Maxaa
qorshahayga isaga ugu doortay? Dhawr sababood. Waa mare waa nin baahan oo aan
waxba ka waabanayn. Waa marka labaade qof kale oo caddaan ah oo aan taladan ku
la dhiirran karo ayaanan aqoon. Waa marka saddexaade waa nin haybad leh oo muuq
leh, isla markaa af ingiriiska si wacan ugu hadla, sidaas daraaddeed haddii la
maalgashado waa nin isbixin kara.
Cabbaar baan
maqaaxida ku sugay. Markii uu ii yimid weli wuu yaabbanaa, garay se in aan ahay
nin maanta ujeeddaysan. Kursigii miiska dhanka kale ka yaallay ayuu sida maydka
ugu dul dhacay. Bun baan u soo qaaday
aan caddays iyo sonkor lahayn.
Dabadeed u ma ba
aan warwareegine run qeedhin baan miiska u saaray. Wax aan ku idhi: ”Wax aan
kuu hayaa shaqo aad quraaraddan aad u gumowday kaga gobowdo barafka aad
yuururtana kaga kacdo."
Markii se aan
bilaabay in aan qorshahayga u faahfaahiyo inta ay nololi gashay oo indhihii
hurdada ka tooseen ayuu si weyn iyo danayn laxaad leh igu dhegaystay. Indho buluug ahaa oo isirkoodu sarreeyo imika
se darxumadu habeeno u yeeshay ayuu kuwayga madmadow ee gunta ah sida tooshka
ku shiday.
Sebastian Georg
sida uu ii sheegay saddex riyo ayuu weligii lahaa. Ta hore waa in uu dalxiiso
oo dunida maro. Ta labaad waa in uu yeesho guri uu isagu lee yahay oo aan dusha, hoosta iyo hareeraha cidi ka saarrayn,
oo uu inta uu doono muusigga kor u qaadi karo inta uu doonana ka dhex qaylin
karo
Riyadiisa saddexaadna waa in uu qaaradda
Aasiya ka soo guursado naag xilojanno ah oo ka debecsan
kuwan Yurub ee, sida uu
yidhi, ninoobay.
”Waxba yaanan hadal kugu daaline, si aynnu qorshahaas u hirgelinno laga bilaabo
saacaddan wax aad noqonaysaa diblomaasi iyo qareen caalami ah oo ka shaqaysta
aqoonsi u raadinta dalalka aan la aqoonsan oo weliba taa waayo’aragnimo dheer u
leh.
Comments
Post a Comment