DUGSIGGI HORE
Dugsigii hore wuxuu lahaa wax yaabo kala duwan, sida malinta arbacada ah in laga farxiyo oo la cuno bun iyo cambuula,sido kale waxaa jirtay in la xusa Nabigena Muxammed Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha ahaate.
Ciyaarihii hore ey ciyaari jireyn ilmaha dugsiga, markii dugsiga laga so fasaxo oroddada iyo dhuudhumashowga ,sido kale waxey i ciyaari jireyn aay aay, kuun kuun iyo ciyaaro kale.
Saaxibtinimo waxaa jirtay markaas bilaa shuruud ah, oo wax walba la isla qeybsan jiray,sida markey wax cunaayaan midba midka kale ayuu siin jiray, ayadoo ku jirin xanaaq iyo isla weyni. Naxariista qof walba kan kale ayuu u naxariisan jiray.
Dhiirranaantii qofka asigoo isku kalsoon ayuu waxa u rabo sheegi jiray, kama uusan cabsan jirin dadka hareerhiisa jooga.
Ciidihii carruurta walaga dareemi jiray, sida iney sugaan habbenkii oo dhan illaa waaga u ka baryo si malintaas u muujiyaan farxaddoda.
Wax qeybsiga qof walba walaalkiis kama uusan faani jirin, wax walba wey isla wadaagi jireen.
Qaraabo salaan qoys walba ,jimca kasta waxaa u qorsheysnaan jiray iney so booqdaan qaraabadooda.
Baxarka markii u macallinka so galo, wey is baxar fakin jireyn .
Khayaalkii su'aallo aye is weydiin jireyn o aheyd, waxaan sidee lo sameyay.!
Maxaa lagu sameyay o wey layaabi jireyn.
Comments
Post a Comment