Posts

Showing posts from September, 2021

Aabe nadiifiye ah ayaa ka xishooday inuu gabdhihiisa u sheego waxa uu sameeyay. Wuxuu leeyahay laba -Nolol, Ilaa hal Maalin

Image
  Weligay carruurtayda uma sheegin waxa ay tahay shaqadaydu. Marnaba ma doonayn in ay iga xishoodaan aniga da rteyda. Markii gabadhayda ugu yar i weydiisay waxaan sameeyay. Si hagar la’aan ah ayaan ugu sheegi jiray, waxaan ahaa shaqaale. Kahor inta aanan guriga aadin waxaan ku qubeysan jiray musqusha dadweynaha si aysan u helin wax tilmaan ah shaqada aan qabanayo. Waxaan rabay in aan gabdhahayga iskuul u dira, si aan wax u baro. Waxaan doonayay in ay si sharaf leh dadka u hor istaagaan. Weligay ma rabin in aan qof hoos u eego sida dadka oo dhami ii fiiriyeen. Dadku mar walba way i bahdilaan. Waxaan maal galiyay dinaar kasta oo aan kasbaday waxbarashada gabdhahayga. Marna ma iibsan shaar cusub, waxaan lacagtii u isticmaalay in aan ku iibsado buugaag. Ixtiraam, taas oo ah waxa kaliya ee aan doonayay in ay igu kasbadaan. Waxaan ahaa nadiifiye. Maalin ka hor taariikhda ugu dambaysa ee gelitaanka kulliyadda gabadhayda, ma awoodin in aan helo khidmadaha gelitaankeeda. Ma shaqeyn karin m...

DUGSIGGI HORE

Image
     Dugsigii hore wuxuu lahaa wax yaabo kala duwan, sida malinta arbacada ah in laga farxiyo  oo la cuno bun iyo cambuula,sido kale waxaa jirtay in la xusa Nabigena Muxammed Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha ahaate. Ciyaarihii hore ey ciyaari jireyn ilmaha dugsiga, markii dugsiga laga so fasaxo oroddada iyo dhuudhumashowga ,sido kale waxey i ciyaari jireyn aay aay, kuun kuun iyo ciyaaro kale. Saaxibtinimo waxaa jirtay markaas bilaa shuruud ah, oo wax walba la isla qeybsan jiray,sida markey wax cunaayaan midba midka kale ayuu siin jiray, ayadoo ku jirin xanaaq iyo isla weyni. Naxariista qof walba kan kale ayuu u naxariisan jiray. Dhiirranaantii qofka asigoo isku kalsoon ayuu waxa u rabo sheegi jiray, kama uusan cabsan jirin dadka hareerhiisa jooga. Ciidihii carruurta walaga dareemi jiray, sida iney sugaan habbenkii oo dhan illaa waaga u ka baryo si malintaas u muujiyaan farxaddoda. Wax qeybsiga qof walba walaalkiis kama uusan faani jirin, wax walba wey isla wadaag...

Mashruucii Aniga iyo Sebastian Georg: Sheeko Xiiso Badan (Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”)

Image
Waxaa jirta talo aad rogrogto dabadeed ku dhaqaaqdo. Waxaa kale oo jirta mid kediso ah oo aad mooddo in sheydaan ama malag kugu afduubay. Imika kolka aan dib wax u eego waan la yaabaa. Sidan soo socota ayay ahayd qisadu.   Goor galab ah oo aan shaqada ka imid ayay ahayd. Xilliga qaboobaha Yurub ugu daran ayay ahayd. Barafkii beri dhowaa saafiga ahaa ee aadka u caddaa ee fududaa imika maalin waa dhagax ku xagan. In kasta oo ay tahay afartii galabnimo hadda na durba waa habeen. Dhawr tallaabo ayaan u sii jiray irridka aqalkayga qacdii aan arkay isaga oo ku fadhiya kuraasta guud ee debedda lagu nasto. Baraf silcay oo kuraasta sarraa inta uu iska xaadhay oo meel isaga ku filan bannaystay ayuu wargays dhigtay oo ku fadhiyaa. Waa nin caddaan ah oo aan in muddo ahba xaafadda ku arkayay. Quraarad baa gacanta ugu jirta. Si aanu ii la qabsan aniga oo jaaha ka dadbaya ayaan guriga isku maqiiqay. Sebastian Georg waa konton jir, waana sakhraanka xaafadda iyo tuug xadhkag...

DAGAALADDI SOKEEYEY DHIBAATADII KA DHALATAY

Image
  Daahir wuxuu ka shaqeynaayey wasaaradda ganacsiga asi iyo xaaskiisa Faaduma. 1988dii waxey isku raacen Daahir saaxiibkiisa o dagan tuulo udhaw Qoryoole. Daahir waxa ay is barteen nin la yirahda Cali Xassan oo beer fale ah. Daahir iyo Cali wa ay sheekeysteen.   Maalin ka dib ayaa Daahir wuxuu dhahay,Caliyoow gabadhaada curadda ah isii, anaa korinaaya, waxne baraayo, biil yarne waku so diraya bishii. Kadib gabadhii ayuu sidaas kusoo watay Daahir.   1991dii, waxaa dhacay dagaal sokeeya.Raxmo oo la nooleyd qoyskii Daahir waxay u qaxeyn xerada qaxootiga Kaakuma ee dalka kenya, halkaas o ay ugu sii gudbeen mareykanka.   Raxmo wax barashadii halkaas aye ku dhameysatay. Waxey shaqo ka heshay warshadda digaagga lagu qalo. Dhowrjeer ayee is weydiisay Raxmo xagge waalidkaagu ku danbeyaan iyo walaalahaaga? Aabaheyd Cali xassan wuxu tuugsadaa suqyada magaalada muqdisha, reerkii kalle neh waxey ku duruufeysanyihiin Qoryooley. Raxmo waxey go'aan ku gaart...